Shacabka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Isbedelada Soo Laalaabtay Ee Gobolkaasi ka taagan!!

Reading Time: < 1 minute

Shacabka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka argti dhiibtay Magacaabista cusub ee Guddoomiyaha Gobolka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar,kaas oo dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday Goholka.

Qaar ka mid ah shacabka Beledweyne oo la hadlay Warbaahinta  ayaa maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay in Gobolka loola dhaqmayo sida in TB laga daweynayo oo lixdii biloodba mar Guddoomiye cusub loo magacaabayo.

Waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha cusub uusan la wareegeyn Dukumiintiyo dowladeed marka uu xilka la wareegana shaqada ka billaabayo meel Eber ah.

Waxaa ay maamulka Hirshabeelle ka codsadeen in ay joojiyaan magacaabista faraha badan ee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Maamulkiisu hal sano oo kali ah jiro ayaa Guddoomiyihii saddexaad u magacaabay Gobolka Hiiraan.