Shacabka Boosaaso ma ogolaan doonaan in labo shirkad oo mataano isku badalaan maamulka Dekada

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulka Dekedda Boosaaso uu ka wareejiyay Shirkadda P&O ee hoostagta DP-WORLD ee laga leeyahay isutagga Imaaraatka Carabta.

Ma aha in gabi ahaanba la badalay shirkadii horay ugu fashilantay maamulka dekada Boosaaso  balse si loo qanciyo shacabka ku dhaqan magalaadda Boosaaso iyo ganacsatadooda ayaa shirkii hore waxaa lagu badalay shirkad kale oo mataano la ah tii hore. Labada shirkad ayaa waxaa wada maamula shirkada DP-World.

Su’aasha waxa ay tahay maxaa isbadalay hadii ils shirkadii  hofre oo magaca laga soo badalay lagu badalo tii hore?. Dhanka kale, Deni oo qanciyana reer Boosaaso ayaa sheegay in shirkad cusub oo hoostagta DP-WORLD uu ku wareejiyay Dekedda Boosaaso, saamiga Dowlad-Goboleedkaas uu ku leeyahay waxa uu ku tilmaamay in uu yahay 25% halka inta kale ay qaadaneyso Shirkaddaas laga leeyahay isutagga Imaaraatka Carabta.

Howlaha laga sugayo Shirkadda cusub ayuu Deni ku sheegay in ay tahay dib u hagaajinta Dekedda Boosaaso, dhammeystirka howlihii qabyada u ahaa P&O ee sababay in fashil uu ku yimaado heshiiska iyo waxyaabaha kale ee laga rabo.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha DG Puntland waxa uu si cad u sheegay in Shirkadda P&O Port oo ashtako kasoo gudbiyeen Odoyaasha dhaqanka Boosaaso in ay ku fashilantay fulinta ballamadii ay galeen oo ah dib u habeynta Dekeddaas.

“Shirkaddii P&O port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay sidaas awgeed ayay la wareegtay oo waxa ay soo dirsatay shirkad cusub oo aan dib kasoo sheegi doono magaceeda” ayuu yiri Siciid Deni.

“Shirkadda abuurantay waxaa wada leh DP-World iyo Puntland, waxaana ku leenahay 25% inta kalena waxaa qaadaneysa DP-World, waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay wax badan ka qabato horumarinta Dekedda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Deni.

Odoyaasha dhaqanka ee Magaalada Boosaaso ayaa Madaxweyne Siciid Deni ka dalbaday in Shirkadda P&O ee hoostagta DP-World laga wareejiyo maamulka Dekedda Boosaaso kaddib markii ay ku eedeeyeen in aanay waxba ka qaban ballanqaadyadii ay horay u sameysay.