Wararka anu ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi ku dagaalameyn Shacab Xoolo dhaqato ah iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab ee Jubada Hoose.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan ku dhaw Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Taliyaha degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose Axmed C/llaahi Heybe ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka ay ka caroodeen Lacagaha xad dhaafka ah oo ay ka qaadaan Shabaabka ku sugan gobalka taasini ay sababtay in shacabka ay dagaalamaan.