Shacab mudaaharaadayay oo lagu dilay Baydhabo (Video)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Baydhabo maanta ka dhacay dibad baxyo lagu taageeray mowqifka Baarlabaanka iyo mooshinka laga soo gudbiyay MW. Farmaajo.

Dibad baxyada oo si nabad ah ku socday ayaa waxaa ciidanka laga keenay Muqdisho waxa ay mar qura ku fureen rasaas, halkaaso ay ka dhacday dhaawac iyo dhimasho.

Dad sameynayay dibad baxyada aya dhagxaan iyo qeylo isaga caabiyay ciidanka laga keenay Muqdisho oo damacsanaa in ay kala diraan dibadbaxayaasha, balse taa uma suurta gelin.

Cisbitaalada magaalada Baydhabo aya la geeyay tiro dhaawac ah oo dhan 9 qofood halka la sheegay in laba qofna ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

Waxaa sidoo kale shalay si bareer ah loo toogtay gabar duubeysay muuqaal toos ah goob lacag loogu qeybinaayay haween barakacayaal ah.

Amniga magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho aya faraha kasii baxayo waxaana socdo qabanqaabo bannaanbaxyo waaweyn oo looga dhiidhinaayo nidaamka kalitalisnimo ee MW. Farmaajo iyo caburinta lagu hayo dimoqraadiyadda.