Sida ay noo xaqiijeen dad goobjoogayaal ah waxaa duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe lagu rasaaseeyay gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah.
Weerarkaas lagu qaaday gawaariga ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaa la sheegayaa in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa mid ka soo safray Muqdisho kuna wajahnaa degmada Balcad.
Gaariga ayaa waxaa weerartay dablay hubeysan, marka weerarku dhacayay gaarigu waxa uu marayay deegaan lagu magacaabo Masala oo hoos tagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Gaariga oo noociisa ahaa gawaarida loo yaqaano NOAH ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen saddax ruux oo ahaa shacab. Dadku ku dhintay ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin. Safa Maxamed Xaaji, nin Oday ah oo mid ahaay dadka gaariga la socday iyo darawalka gaariga.