Iyadoo ay socoto shirkii golaha wasiirada oo ay isku amaanayeen waxqabadka beenta ah iyadoo ay magaalada Muqdisho ka jirto amni xumo, dhaqaale dari iyo iyadoo shacabkii garab raratada ahaa lagu soo rogay canshuur aanay qaadin karin, ayaa waxaa ka dhacayay aafafka hore ee Madaxtooyada banaanbaxyo looga soo horjeedo waxqabad xumida iyo caddaalad darada RW Kheyre iyo golahiisa wasiirada.
Ciidanka Booliska ee ka amar qaata RW Kheyre aya tacshiirad ku furay shacabkii bannaabaxayay waxaana halkaa ku dhaawacmay laba qofood inta hadda la ogyahay. Waxaa sidoo kale wariyaha MOL ee Muqdisho uu sheegay in ay qasaaro soo gaartay qaar ka mid ah saxaafadda madaxa bannaan oo sidoo kale lagu riday xabado aanan loo aabbo yeelin.
Lama oga qasaaraha ka dhashay falka wuxuushnimo oo lagu amray ciidanka Booliiska. Waa ayaan darro iyadoo Madaxweynaha JFS uu ku ammaanayo waxqabad xumo dowladda uu hoggaanka u haya RW Kheyre in lagu mudaaharaado isla markaana la xabadeeyo shacab aan hubeysneyn oo ka cabanaya caddaalad darro iyo sicir bararka ku habsaday bulshada.
Halkaan ka daawo mudaharaadka maanta