Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegaaan in xabsiyadda maamulkaasi ay ka baxsadeen 10-ka mid ah Maxaabiistii Puntland ku qabatay dagaal kol hore ka dhacay gobolka Nugaal oo u dhaxeeyayay Al-shabaab iyo Ciidamadda Puntland
Tobanka Dhalinyarada ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah Ciidamada ammaanka ay dib u soo qabteen, kadib baaritaano ilaa shalay ay wadeen Ciidamada Puntland gudaha iyo hareeraha magaalada.
Dhalinyaradan ayaa Ciidamada Puntland waxa ay ku soo qabteen Dagaaladii Garmaal, Suuj iyo Garacad ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo xoogaga ururka Al-shabaab, horaantii 2016-kii.
Xaruntan ay ku xareysanaayeen ayaa waxaa amnigeeda u xilsaaranaa Ciidanka Asluubta Puntland, lamana oga sababaha keenay baxsashadooda.
Dhowr jeer ayaa lagu Eedeeyay Maamulka uu hogaamiyo Cabdi wali Maxamed Cali gaas in ayna xoogga saarin daryeelka Maxaabiista u xiran oo u badan dhalinyaro lasoo qalday