Shabab oo weli ka dhex dagaalameysa hotel Xayaat

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha oo caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ka dib kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen hotelka Xayaat.

Kooxihii hoteelka weeraray ayaa la sheegay in ay ka dhex dagaalamayan gudaha.

Qaraxyada ayaa la sheegay in dhammaantood ay ahaayeen Ismiidaamin.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aaga oo dhan isku gadaamay, waxaana ay dagaal kula jiraan kooxihii hoteelka galay.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho.