Shabab “ Is-miidaamiye ku heyb ah Farmaajo ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina!”

Reading Time: < 1 minute

Alshabaab ayaa shaacisay magaca ninkii fuliyey weerrkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada Lama-galaay oo lagu dilay dad ay ka mid tahay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Warbaahinta Xarakada Shabaabul ayaa baahisay dardaaran laga duubay Is-miidaamiihii fuliyey weerarkii ka dhacay magaalada Baladweyne, kaasoo magaciisa ku sheegay Maxamuud Cabdulqaadir Goosaar (Albaani).

Ninkan oo ka mid ahaa guutada is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ayaa kasoo jeeda dhashay beesha Mareexaan, waxayna isku heyb yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin jufadiisa waa Celi Dheere wuxuuna ku dhashay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo 25 sano jir ah, isagoo 7 sano ka mid ahaa ciidamada Alshabaab, isgoo kasoo howlgalay Gobolka Galgaduud, kadibna wuxuu ku biiray guutada Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.

Ninkan oo diray farriimo dhowr ah oo uu ku sharxay sababta uu fulinayo is-miidaaminta, isagoo u goodiyey waxa uu ugu yeeray Gaallada iyo Gaalo-raacyada.