Shabab & Ciidanka dowladda oo ku dagaalamaya Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan hubeysan oo watay gaari yar ayaa rasaas la dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Koontaroolka Gawaarida lagu baaro ee Seybiyaano Magaalada Muqdisho.

Dableydaan oo loo maleenayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar toosh ah oo qorsheysnaa kusoo qaaday Koontaroolka Seybiyaano oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Rasaasta oo socotay dhawr daqiiqo isla markaasna la is dhaafsaday rasaas aad u culus ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhalatay khasaaro xooggan.

Waxaa la sheegay in la dilay 3 ka tirsan Ciidamadii weerarka soo qaaday

Gurmad badan oo Ciidamada Dowladda ah ayaa gaaray halkaas, waxaana hadda khasan goobta ay is rasaaseynta ka dhacday oo ah meel aan loo ogoleyn inay gawaarida maraan.

Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan.

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasmadda Online.