Shabaab Shacabka miyey U soo Gurmatay misa Waa Gumaadkoodii Joogtada ahaa? Akhriso

Reading Time: 2 minutes

Dadka Xamar gaar ahaa degmooyinka waqooyi ayaa ku wareersan wararka sheegaya inay shabaab xalay ku dileen degmyooinka Yaaqshiid iyo Heliwaa waxa dadka ugu magac dareen Barbaar Weero ( Ciyaal Weero waa weyn).

 Wararka dheeraad ah ee kasoo baxaya dilalkaas qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa dadku si yaabo kala duwan uga hadleen.

Qaar sheegay inay iska tahay caadadii Shabaab ee lanynta sheekh iyo Sheydaan iyo inay tahay ka dhabeyntii ballanqaadkoodii ahaa inay wax ka qabanayaan:   1-Ciyaal Weero iyo Barbaar weero (kawa waaweyn) dadka dila, dhaca, batariga dadka dabada ka gelijk ama xiniinyaha ka jara. 2-Calaqa iyo maandooriyayabasha iyo Dadka iibiya, kawa caba iyo kawa uu kala quada. 4- Tuugada dadka dhacda oo wax waliba ka qaadata. 

Intaan waxay ahayd hawl ay dadka ka sugayeen dowladda ee ma ahayn wax shabaab laga sugayey ee ma waxaa is badała aragtidii shabaab oo waxay rabaan inay shacabka ay lumiyeen dib u hantaan dowladduna meesha ka baxdo?

Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaayad ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday.Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaahayey goobta maqaayadda ah ay ku dhaawacmen falkaasi.

Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada, Barbaar Weero iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waayo maba oga wax ka dhacay degmooyinkaas iyo cidda ku dhimatay.

Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerada & ragga ka ganacsada maandooriyaha, dadkuna waa soo dhaweynayaan cid kasta oo culeyska ka qaadeyso. Nin ku dilaya ka data ayaa kaa xiga. Ciyaal weero Waa loo yaabaa.