Shabaab oo xukun dil ku riday sargaal ka tirsanaa Ciidamada DFS

Reading Time: < 1 minute

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay sarkaal katirsanaa Ciidamadda dowladda Federaalka oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen.

Xukunkaan ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Galboole ee dhacda galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka hir-shabeelle.

Max’med Cali Max’med oo magac dheeraa Kartoon ayay maxkamadda Shabaab ku ridday xukun dil ah wuxuuna ku eedaysnaa in uu ku dhacay Riddo(diinta la laabtay), sida ay sheegeen islamarkaana wada shaqeyn la lahaa Ciidamadda AMISOM.

Fagaaraha xukunka dilka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah,iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!