Shabaab oo xog kula wareegay isbitaalka guud ee Ceelbuur.

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka’imaanayo degmada ceelbuur ee gobolka galguduud ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab aya xoog kula wareegeen isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur.

Xogtu waxa ay sheegeeysaa in Dagaalamayasha Al-Shabaab ay isbitaalka geeyeen dhaawac faro badan, kuwaa oo kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawaca la keenay ay sababtay in aan qof shacab ah uusan gelin isbitaalka ilaa inta laga dabiibayo dhaawacyada Dagaalamayasha Al-Shabaab, oo aan la ogeeyn inta ay gaarsiisan yihiin.

Xiriiro aynu la samaynay masuuliyiinta isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaannan suurta gelin maadaama Dagaalamayasha Al-Shabaab ay ku qasbeen in xogtaan banaanka loo dusiyin.

Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa 28 bishii aynu soo dhaafnay xarigga laga jaray ka gadaal markii dadka degaanka oo is kaashano ay dayactir ku sameeyeen isbitaalka sidoo kalana qalab iyo dawooyin ay geeyeen dadka degaanka.