Shabaab oo weerar culus ku Qaaday deegaanka Goof-Gaduud Buureey

Reading Time: < 1 minute

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Goof-Gaduud Buureey, oo hoosyimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisimo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Guduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahina u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo aan arintaasi la xaqiijin karin.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen in ay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, in ay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Hayeeshee ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay  saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!