Shabaab oo shaacisay Geerida Guddoomiyihii u qabilsanaa Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Alshabaab ayaa shaacisay inuu geeiyooday Guddoomiyihii hore ee u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Sheekh Maxamad Xassan Cumar “Abu Cabdiraxman.

Bayaan tacsi ah oo Alshabaab soo saartay ayaa tacsi loogu diray eheladiisa, asxaabtiisa, ardaydiisa, dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee muslimka geerida ku timid Sheekh Maxamad Xassan Cumar oo xalay ku geeriyooday degmada Jilib.

Alshabaab ayaa sheegtay inuu Sheekh Maxamad Xasan Cumar u geeriyooday xanuun, isagoo kasoo shaqeeyay Dhinacyada Amniga, Tacliinta iyo diyaarinta ciidamada. Waxaana la sheegay inuu soo saaray boqolaal Dagaalamayaal ah oo ka tirsan Alshabaab