Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii xooganaa ee maanta barqanimadii ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay cadaanku la socdeen, halka kuwa kalena ay ku waxyeeloobeen, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.
“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.
Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo qaraxaan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah, inkasta oo illa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha qaraxa.