Shabaab oo dagaalyahano badan iska dilay kadib dagaalka ka dhex qarxay maanta

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in uu maanta duleedka degmada Xarardheere ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa qarxay kadib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay baxsadaan oo isku dhiibaan ciidanka dowladda ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Musug, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen koox isku dayday inay ka baxsadaan.

Al-Shabaab-ka wadada u galay kooxda baxsadka ah ee isku dhiibi rabtay ciidanka dowladda ayaa ka baxay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo socday mudo hal saac ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 7-xubnood oo dhinacyadii dagaalamay ah, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah.

Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab ee maanta Mudug ka dhacay ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida ay kooxdaas ugu jabtay dagaallada uga furmay gobollada dalka, waxaana xusid mudan in dagaalkaan uu ka dhashay is hortaag lagu sameeyey koox dooneysay inay is dhiibto oo Al-Shabaab isaga baxdo.