Shabaab oo Bilaabay Inay Cabaadaan markii la iska Dhiciyey iyo ATMIS (ex AMISOM) oo la la’yahay .

Reading Time: 3 minutes

Cid walba oo Muslim ah way ogtahay inaan Allah JW loogu dhawaaneyn caruur la laayo, ceelal la duugo iyo tuulooyin dhammaantood la gubo waa sida ay sameynayeen Alshaab beryahaan.

Sidoo kale, waxaa maalmahan isa soo tarayey oo baraha bulshada iyo qalbiyada dadka Somaliyeed xoog u qabsaday kacdoonka shacbi ee ay horkacayaan ciidamada Qalabka side ee Somaiyeed ee looga soo horjeestay kooxaha isku dhafan balse ku howl gala magaca laga naxo ee Alshabab. 

Waxaa dadka Somaliyeed markaan u soo muuqatay rajo weyn oo ah inay soo dhammaanayaan maalmihii Argagixisada laga cabsan jiray waxaana bilaatay tallaabadii la isaga xoreyn lahaa oo ciidanka iyo shacabka ayaa si fiican isula hawlgalay.

Shacabka ayaa bilaabay iany ciidanka XDS ay la shaqeeyaan oo hiil iyo hooba la garab istaagaan, soo sheeganna keed kasta oo ay ku gabanayaan,  kadib markii Alshbaab ay bilaabeen inaysan dilaan cid kasta oo ay arkaan, sida Caruuur iyo Ciroole, culimo iyo Caamo iyo duunyo iyo dalagga oo aysan midna dadka hambeyn.

Waxyaabaha yaabka leh ee aan xataa gumeystayaashii lagu arki jiray oo hadda shabab lagu arkay waxaa ka mid ah:

1.     Caruurta oo ay zako ahaan sidii xoolihiina u qaataan, kadibna dagaalka ku shubaan kuwana qaarax ku soo xeraan.

2.     Haweenka oo ay Khasab ku guursadaan, kuna kaxeystaan ehelkii diidana hortooda lagu bireeyo.

3.     Ceelasha biyaha oo ay dadka ka duugaan xelli weli abaar xun oo oonley ah ay jirto.

4.     Xoolaha oo ay dadka kaga qaataan si xoog ah qaarna ay qashaan qaarna ay meelo fogfog u iibgeeyaan.

5.     Kadib markii inta aan kor ku soo sheegnay ay sameeyaan waxay gubaan guryaha iyo dhamaan beeraha si tuulada oo dhan ay u dhamaato kadib markii caruurta, haweenka, xoolihii laga qaatay ayaa waayeelkii haray tuulada laga gubaa.

Run ahaantii waa dhacdooyin naxdin leh oo aan marnaba diinta Islaamka loo saari Karin, waayo nabiga SCW waxaa uu ciidankiisa fari jiray in la dilin waayeelka, haween iyo Caruurta, dhirta manaafacaadka lehna aan la jarin.

Maanta ceelasha, xoolaha, guryaha, beeraha iyo dadka oo la laayo ayaa waxaa lagu suura xumeynayaa diinta islaamka, waxaana loo saariyaa inay yihiin wixii uu Nabigeennii Suubaanaa uu rabbi ka keenay oo waxaa loo soo daliishadaa aayado quraan ah oo aan haba yaraatee meeshaas qaban. 

Qof muslim iska dhaafe gaal casrigaan joog ama sameyn karo waxa ay maanta shabaab sameynayaan diinta Allah iyo rasuulkana u saarinayaan. 

Ninkii intaas oo dembi ah ka galay muslinimada, rasuulkii naxariista badnaa iyo rabbiigii ummadaan abuurtay  Cali Dheere isagoo naf la caari ah oo meel uu ku gabada la’a ayuu weli soo hanjabayaa oo uu leeyahay shacabow waa idin layneynaa, haddii kale adduunyada ka guura oo ka qaxa guryahiinna, ilmahiinna keena aan dagaalka dowladda iyo shacabka midoobay ay nagu hayaan aan ku laaynee.

Dhinaca kale waxaa jira Guux xoog leh oo su’aalo sharci ah ay shacbiga Somaliyeed beryahan is weydiinayeen taas oo ah aaway ATMIS oo malaayiin doolar ku qaadata inay Somaliya ka kaalmeyneyso la dagaallanka shabaab?

Misa ujeedada waa qowda ma qashii waxna ha u qaban. ATMIS waa inay dagaalka Alshabaab horta ka galaan haddii kale MW Xasan sheekh dalka ha ka eryo waayo uma muuqdaan kuwa fulinaya waajibaadkii loo soo igmaday malaayiintana dollarna lagu bixiyey.

Shabaab Shacbiga ayaa ka adag waxana la soo gaaray goortii la iska dulqaadi lahaa, ATMIS dagaalka ha soo galeen oo ha la yimaadeen istaratejiyo dagaal, haddii kale boorsooyinkooda ha qaateen.