Shaafi Raabi Kaahin Oo Laga Xayiray Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Shaafi Raabi Kaahin Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga wershedaha Jubbaland , ayaa mar kale lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlaayey ganacsiga Africa iyo Turkiga.

“Meel ayaa la i fariisiyey, waxaana la iga qaaday sharcigii, ma ogi sababta waxaas loo sameeyey iyo danta la iga leeyahay”, ayuu yiri Guddoomiye Shaafi oo la hadlay Warbaahinta Jubbaland.

Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wali kama aysan hadlin xanibaadaan la saaray masuulkaan iyo sababta ka dambeysa.

Waa markii labaad oo sidaan oo kale lagu xayiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.