Waxa weli taagan Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex jirta Golaha Shacabka iyadoona Kooxda Qiyaano Qaran ay u muuqdaan kuwo anan xal raadis aheyn oo daneenaya in afduubkoodu uu hirgalo.
Waxa la saadaalinayay in xal laga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee Golaha Shacabka si lo meel mariyo Shuruucyo badan oo Goluhu u qorsheysnaa meel marintooda iyo arinta Xad gudubka Dowlada Kenya ee Magaalada Baled-Xawo ee Gobolka Gedo.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee uu Magacaabay Gudomiye Jawaari aya shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyago hor dhigay qaabka ugu fudud ee lagu xalin karo khilaafka Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo oo kol sii horeysay Qiyaano la ciyaaray Gudomiye Jawaari Xili uu baajiyay kulan ay golaha isugu balansanayen oo uu Jawaari iclamiyay,waxaana xigay in durba uu kulan kale iclaamiyay Gudoomiye Muudey kaasi oo uu Madaxweyne Farmaajo ka amusay wixi maalinkaasi halkaasi ka dhacayna dusha laga saaray Gudoomiye Jawaari,taasi oo aheyd Siyaasada Kale oo ay kooxdu Ciyaareeyso.
Arinka hada Muuqda aya cadeynaya in Kooxda Qiyaano qaran aysan diyaar u aheyn in aysan xal iyo waan waan sameeyaan iyago dantoodu ay tahay in foodada Golaha Shacabka uu sii socdo.
Xukuumada Xasan Cali Kheeyre aya saakay Waxa ay Muqdisho.online idinkaga soo bandhignay in aysan diyaar u aheyn wada hadaladaasi madaxweyne Farmaajana uu ku war galiyay in qodobada laso bandhigay aysan u cuntameynin danina an ugu jirin.
Arinkaasi aya muuqda oo soo shaac baxay ka dib markii gudoomiye C/wali muudeey oo Rw Kheeyre u qaabilsan fulinta sidi Golaha loga saari laha Jawaari iyo in Golaha Shacabka Gacanta Lo galiyo.