Khudbadihii Salaada Jimcaha ee maanta ayaa waxaa laga aqriyay qudbado loogu soo horjeedo Somaliland iyo hogaankeeda. Waxaana lagu eedeyay Somaliland inay xasuuq u gaysatay shacabka ku dhaqan magalaada Laascaanood ee ka soo jeeda beesha Dhulbahante.
Sheikh Shibilli oo ka hadlay dagaalka Laascanood ayaa yidhi:- “Waxaan xasuustay waagii Xabashidu duqaynaysay Xamar oo waan iska garanaynay oo waxay ka ahayd ciilka iyo nacaybka ay u qabeen Soomaalida e, bal maanta kuwan Laascaanood duqaynaya maxay tahay waxa ay sidaas u yeelayaan.. Waxa laysku hayaa waan ku xukumi iyo i xukumi maysid bes”.
Dhanka kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si adag uga hadlay waxa uu ku sheegay gardaerada lagu soo qaaday reer Laascaanood iyo duqaymaha magaalada lagu hayo.
“Somaliland wey ku fashilantay Amniga Laascaanood, in ay xaliso, dadkii markay u adkeysan waayeen dilalka qorsheysan oo ay kacdoomeen, oo ka gadoodeen fashilkaas, in dadkaas la dilo sax maaheyn, mida 3aad markay tashadeen oo isku yimaadeen waxgaradkood beesha Dhulbante,, go’aan iyaga maslaxadooda ahna qaateen maaheyn in lagu duulo, oo madaafiic lagu garaaco oo la-laayo” Ayuu yiri Sheekjh Umal.
Waxaa isna maanta markale hadlay Boqorka beesha Daarood Boqor Burhaan oo uga digay Somaliland iyo beesha Isaaq in caqiibo xun soo waji doonto hadii ay ku socoto wadada ay hada ku socoto.
“hadii aan la joojin xasuuqa lagu hayo shacabka Dhulbahante, waxaan shaki ku jirin in dagaalku isku badali doono mid qabiil” Ayuu yiri Boqor Burhaan.