Sh. Sharif oo xalay kulan dhuumasho ah ugu tagay Farmaajo! Yaa kaloo joogay kulankaas

Reading Time: < 1 minute

Xalay 3dii habeenimo oo ku beegan saacad iyo bar ka hor inta aan la tukan salaada Subax ayaa Shiikh Sharif waxaa si dhuumasho ah loo geeyay guriga Farmaajo ka degan tahay Villa Soomaaliya.

Shiikh Sharif ayaa lagu soo qaaday gaari uu leeyahay Wasiir Cabdiraxmaan Dheere. Kulanka oo markii hore uu ka maqnaa Fahad Yasin ayaa markii danbe uu gadaal kaga soo biiray. Waxaa Kaloo kulankaas joogay Cabdiraxmaan Dheere.

MOL ma heli xaqiijin dhab ah, laakiin Xogta ayaa sheegeysa in uu Kulankaas uu qayb ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore  Saacid oo bilihii  u danbeeyay ahaa lataliyaha gaarka ee Farmaajo.

MOL ayaa loo xaqiijiyay in Shiikh Sharif codsaday in aan marnaba kulankaas uu noqdo mid qarsoodi ah. Farmaajo ayaa gabi ahaanba fasax shaqaalaha Xafiiskiisa si ayan u arag ama uga hadlin imaatinka Shiikh Sharif.

Shiikh Shairf ayaa u muuqda mid heshiis hoose lagalay Farmaajo kaas oo uu ku doonayo in dhaqaale lagu siiyo. Hase yeshee Farmaajo ayaan dhankiisa waxa uu wataa qorshe uu ku kala jabinaayo Midowga Musharaxiinta iyo guud ahaan midnimada ka muuqata beelaha dega Muqdisho.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan shirkaas naga filo dhawaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!