Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno xafiiska Rw Rooble waxaa maanta la qorshaynayaa in si deg deg ah loo fasaxo Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.
“Adeer waxa aan u taageernay Shiikh Adan Madoobe waxa ay ahayd in uu arinta Ceelwaaq Sida Rooble ku xaliyo, arintaas ma aha arin aan ka galayno wada xaajood”, Sidaas waxa yiri mid kamida howlwadeenada xafiiska Rooble.
Waxaa cad in Shiikh Adan Madoobe oo maanta uu si ku talagal ah uu doonayo inuu ku xalaaleeyo Xildhibaanada Lagu soo doortay Ceelwaaq.
Dhanka kale Xildhibaanada ka soo horjeeda arintaas ayaa dhankooda u diyaar garoobay in ay ka hortagaan, hadii la isku dayo jn maanta si fasamysan lagu ansaxiyo Xildhibaanada Ceelwaaq