Gud. Adan Madoobe oo ku dhacay dabinkii u horeeyay & Khatarta ka dhalan karta

Reading Time: 1 minute

Waxa jira culeys la saaray Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mudane Shiikh Adan Madoobe, kaas oo kaga imaanaya ninkii maalgashaday doorashadiisa kaas oo ah Musharax Saciid Cabdullahi Deni.

Saciid Deni oo cabsi ka qabo khatarta kaga imaan karta gudiga doorashada Madaxweynaha ee la filayo in dhawaan la  magacaabo ayaa waxa uu culeys xoog leh ku saarayaa Gudoomiyaha cusub in uu isagu soo qorto liiska gudigaas.

Dhowr sababood ayaa ay salka ku heysaa wal-walka uu Saciid Deni ka  qabo in la magacaabo gudi uusan isagu saameyn ku lahaynin.

Ugu horeeyntii,  Gudiga la magacaabi dooni waxa ay go’aamin doonaan sharuudaha laga doonayo musharaxa u tartamaya kursiga Madaxweynaha. Waxaa jira olole xoogan oo lagu doonayo in sharuudaha laga doonayo qofka u tartamayo jagada Madaxweynaha in lagu soo daro in qofkaas uusan tartanka madaxweynaha ka qaybgali karin  hadii u haya xil madaxweyne dolwad goboleed ilamaa uu iska soo casilo xilkaas.

Saciid Deni oo aad uga cabsi qabo in gudiga soo saaro qoraal lid ku ah ayaa go’aansaday in uu saameyn ku yeesho xubnaha gudiga la soo xulayo. Waxa kaloo jira qorsho uu ku doonayo in doorashada ay ku dhacdo qaab ka tarjumaya danihiisa gaarka ah, si taasi ugu suuragashana waxa in uu ku yeeshaa gudiga xubno uu saameyn ku leeyahay.

Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Gudoomiye Aadan Madoobe, Saciid ayaa ku adkeysanaya in uu liiska isaga soo qoro. Dhanka kale Gudoomiye Shiikh Adan Madoobe ayaa dhankiisa ka codsaday in Saciid soo qorto cida gudiga uga qaybgalaysa Puntland iyo Jubbaland hadii Axmad Madoobe ogolaado, lakaii kuwa kale uu gudoomiyaha soo qoro laakiin Saciid Deni lagala tashan doono.

Hadii Gudoomiye Shiikh Adan Madoobe ku adkeysto talabadaan waxa uu ku dhacayaa dabanki siyaasadeed ee u horeeyay isaga oo aanba gaarin mudo asbuuc ah.  Waxa ayna dhaawac weyn gaarsiin doontaa kalsoonada lagu qabo.