Senator Muuse Suudi oo si caro leh uga hadlay tacadiga lagu hayo Daka degan Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah aqalka sare kana mid ah shaqsiyaadka aanan ka ganban runta ayaa waxa uu kahadlay go,doonka ay kujirto Magaalada Muqdisho iy tacadiga xoogan oo ay Dadku wajhayaan Maadaama maagaalada lagu xiray dhagxaan iyo caro hadana laga qaaado canshuur ayaga oo aanan haysan meel ay iska kala gudbaan.

“Dadka Muqdisho waa ay dhiban yihiin,Canshuur laga qaado waxaa uga daran meelo maraan ayay la’yihiin oo jidadka ayaa dhagxaan looga gooyey,cidii aan wax qabaheyn waxba ha siin ee dhagaxa wax hala siiyo hadii uu wax qaban karo,dadka masaakiinta ah ee Reer muqdishsana faqri ayay noqdeen ayuu yiri” Senator Muuse Suudi.

Madaxda Dowlada ayuu ugu baaqay in ay layimaadaan qorshe cad siloo dadkaan Muqdisho degan dhibka looga dulqaado oo loogu furo Wadooyinka hadalkaa kasoo yeeray muuse suudi ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili magaaladu ay tahay mid kala xiran oo lagu xiray dhagxaan Dadkuna ay dhibaato xoogan ku qabaan xirnaashaha wadooyinka Xamar.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!