Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ka baarlamaan ahaan ay aad uga xun yihiin dhibaatada ka soo gaareysa qaraxyada ay fulinayaan Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed.
Senatorka aya shegay in nasiib daro ay tahay in dareeska ciidanka booliska ay ku so weerartaman al shabaab xaruntii madaxtooyada oo uu shegay in ay taahay halki ay ku nasan lahayeen,taasina ay sabab u tahay dayacsananta laamaha amaanka.
“Runtii dabacsanaan weyn ayaa amniga ka jirta xaqiiqdii waxaa nasiibdaro ah in dharkii Ciidanka booliska iyo nabadsugida lagu soo weeraro halkii aan kunasan laheyn ee Madaxtooyada,bilihii muqdisho ay amniga aheyd dadaal dowladda keeda ah kuma imaanine nimanka iyaga ayaa iska maqnaa ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud”
Hadalka Senator ayaa ku soo aadaya xili xalay Muqdisho ay ka dhaceyn qaraxyo iyo weerar khasaaro inta badan u geystay Shacabka Muqdisho,waxan weli isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.