Senator Jack Reed”Dowlada Farmaajo Ma Heysato Kalsonida Shacabkeeda oo Wey Ku Guldareysatay”

Reading Time: < 1 minute

Iyado dhawan uu boqasho ku yimid Magaalada Muqdisho Senator Jack Reed oo ka mid aqalka Senetka Mareykanka ayu ka warbixiyay waxyaabihi uu ka bartay booqashadiisa muqdisho.

Jack Reed aya shegay in dowlada soomaaliya aysan heysan kalsoonida Shacabka oo ah haldoorka dowlad nimo iyo suurtagalnimada in amanka la xaqiijiyo waxa uu shegay in dagaalka al shabaab ee dowlada uusan dhaman karin iyado dowladu aysan heysan kalsoonida shacabkeda.

“Al-Shabaab dhul baaxad leh ayay ka taliyaan, waxay si firfircoon leh uga qaataan dadka canshuurta, meelaha qaarkood oo aysan dowladda heysan ayay sharciyad ku heystaan oo ay dadka ugu kala garsooraan”ayuu yiri oo wareysi siiyay Idaacad lagu magacaabo National Public Radio.

Isago ka hadlayay amanka magaalada Muqdisho ayu shegay in Muqdisho aanay aheyn magaalada ugu ammaanka badan, isla markaana dhacdooyin argagax leh ay ka dhacaan dowladana aysan wax ka qaban arimahasi.