Waxa isa soo taraya walaaca ka dhashay fashilkii ka dhashay qorshihii la doonayay in uu iska hormimaad ciidan iyo mid qabiil ka dhaco magaalada Garowe si uu u baaqdo shirka dowlad Goboleedyadda oo lagu wado in maalinta beri ah ka furmo Garowe.
Sida ay u xaqiijiyeen MOL saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland, kacdoonka been abuurka ah ayaa waxa laga abaabulay xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre, Ujeedaduna waxa ay ahayd in laga hortagoi kulan Garowe. Waxaa saaka ka socda Magaaladda Garowe shirar ay yeelanayaan dhamaan Ururadda Bulshada Rayidka iyo siyaasiyiinta deegaanka oo looga soo horjeedo talaabada ay qaadeen RW Kheyre iyo MW Farmaajo.
Madaxweynihii hore ee Puntalnd, kana tirsan Golaha Aqalka Sare mudane Cabdirahaman Faroole ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay talabada aan laga fiirsan ee laga tuhmayo in laga soo abaabulay xafiisyada dowlada ee Muqadishu. Waxa uu yiri “Siyaasadda Cabdiwali Cali Gaas waad ku qilaafi kartaan, dadbana oo reer Punland ah ayaana qilaaf kala dhaxeeya laakiin taa macnaheedu ma aha in dowladnimada Puntaland la burburiyo” waxa uu intaas ku daray “ cidna kama yeelayno in nabadda , xasiloonida iyo jiritaanka Puntland loo burburiyo dano gaar ah”
Dhanka kale odoyaasha dhaqanka ayaa iyagana dareenkooda ka muujiyay abaabulka dagaalke ee laga soo abaabulayo xafiiska RW Kheyre iyo MW Farmaajo.