Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa hadda waxa ay ka doodayaan Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.
Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlay waxaa uu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.
Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray bixiyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddi u saaray Kiiska Xildhibaan Cabdiqeybdiid, waxaana Guddigaasi hoggaaminaayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod inkasto ila iyo hada aysan jiran cid gudi arintasi iska wareysatay.