Sen. Dubbe Waa rag Dowladeed oo ay Waddaniyad ka Muuqato ee ha lagu Daydo.

Reading Time: 2 minutes

Ma inkireyno in MOL ay si aad ah ula dagaashay shalay markii uu taageersanaa hogaankii dalka meel khaldan ku waday, mana ka xishooneyno maanta inaan ku ammaanno erayada qiirada iyo guubaabinta leh ee uu u jeediyey xildhibaannada Qaranka oo runtii ku raaxeysanaya gawaari iyo guryo raaxo leh halka dalka uu u jihaystay inuu dib isu xoreeyo. Ruuxa aan ka hadleynaa waa Senetor Cusman Abukar Dubbe.

Jibaadka ragga dhallinyarada ee dhiigooda u bixinaya inaan nabad ku naallo oo uu dalkeenna noqdo mid nabdoon, taliyaha ciidanakiisa dhimanayaan, hooyada iyo aabaha wiilkooda ama gabadhooda qaranka u hibeeyey, caruurta noqoneysa agoonta, marwooyinka asaay u saaranaya in dalkaan shabaab laga qabto iyo imadaxdweynaha xanuunka iyo cabsida ay ku hayaan dhimashada dhallinyaradaas oo berri rabbi la hortagi doona,  masuulka ka seexdaa waa mid aan mudneyd inuu xilka sii hayo.

Run ahaantii ruuxa waa noqon karaa taagere nidaam iyo hannaan uu u arko in haddii uu Meesha ka baxo ay keeni karto marnaan xelligaas, marka uu aragtidaas la yimaadana koox ka soo horjeedda aragtidaas ay dagaal ku qaadaan,  laakiin  ruuxa geed adeyga ah ee ay duntiisu fiican tahay marka uu ogaado in laga saxan yahay amaba la guuleystay waa geesiga ama geesiyadda aysan dhibin inuu la jaanqaado hannaanka kale ee yimid kuna taageera waxa uu arko inay umadda ay dan u yihiin.

Sen. Dubbe Shalay waxaa uu ahaa wasiir ka amarqaato R/Wasaare iyo MW, hasa yeeshee maanta waa wakiil ummadda Somaliyeed oo arki kara sawir intii hore ka weyn, hayana masuuliyada intii hore ka ballaaran.

Senetorka oo ka ah codkar hadal yaqaan ah, runtana taabsiin kara kooxda uu la hadlo  waxaa xildhibaanda Aqalka sare balse aan iyaga kaliya ku koobneyn u sheegay,  in MW Dalka uu dagaal tuute u xertay dib u xoreynta dalk iyagana ay Xamar iyo meelo kale ku raaxeysanayaan oo weliba qaaci tumanayaan ama daawanayaan ciyaaraha horyaalka ee waddamada Yurub laga daawado.

Runtii waa hadal qiiro leh, waxaana Madxweynaha Jamhuuriyadda kula talineynaa inuu Senetor Dubbe waddaniyadda ka soo maaxatay aan la dayicin ee laga hawlgeliyo hawsha la dagaallanka aragagixisada, waayo dagaalka waxaa uu hadda ka liitaa meel uu Senetor Dubbe wax badan ka tari karo waa dhinaca wacyigelinta iyo warbaahinta oo aan doorkooda hadda culeys muuqda lahayn sida kan ciidamada iyo kan dhaqaalaha.

MOL oo aan maranaba taageardeeda ku koobneyn shakhsiyaad ee mar waliba dalka uu uga muhiimsan yahay cid kasta waxay MW Jamhuuriyadda u soo jeedneysaa in Sen. Dubbe laga dhiga Madaxda, ama afhayeenka hawlgallada hadda socdaa oo u baahan:

  1. Wacyigelinta Bulshada dhinaca warbaahinta, diinta iyo dib u dhiska garaadka iyo garashada umadda si qaran dhameystiran loogu gudbo oo qabiilka loogu eekeeyo is aqoonsiga rabbi ku sheegay aayadda 13aad ee Suuratul Xujuraat.
  2. Dib ururin dhallinyarada ka soo firxan doonta dagaalka shabaab, kadib marka ay arkaan in kooxda waqtigooda u dhamaaday, waxayna ka mid tahay hawlaha ugu adag ee dalka horyaalla oo haddii la dayacaa noqon doona xubno bulshada dhex jiifa oo maalintii la doono la kicin karo (Sleeping Cells), waana khaterta ugu weyn waxaana doorkaan iska leh warbaahinta, culimada, macalimiinta iyo siyaasiyiinta.

Labadaan qodob waxweyn ayuu Sen. Dubbe ka tari karaa ee ha loo igmado xil ku wajahan hawshaas, waana la arki doonaa guusha laga gaaro marka uu xilkaas qabto. Sen.Dubbe Waa rag Dowladeed (Rajulu dowlah) oo ay Waddaniyad ka Muuqato ee ha lagu Daydo.