Seddex qodob oo lagu heshiiyay kulankii maanta ee xildhibaanada iyo guddoonka BJFS (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo isku xil-qaamay inay xal-uhelaan khilaafka soo kala dhex-galay Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa ic-laamiyay in la dhameeyay is-fahan-waaga.

Sharci dejiyaasha ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay is maringa, kulan siiyay maanta oo Axad ah Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal iyo ku xigeenadasiisa, Cabdiwali Muudey, 1aad, iyo Mahad Cawad, 2aad.

“Heshiis is-afgarad ah ayaa laga gaarey khilaafka gudoonka Gollaha Shacabka,” ayuu Xilldhibaan Cabdirashiid Xidig, oo kooxda Mudanayaasha ee is-xilqaantay kamid ah, soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Goobjoogayaal la hadlay MOL ayaa u sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay yihiin.

  1. In la ilaaliyo isku duubnida Baarlaamka loogana danbeeyo gudoomiyaha sidii loo ilaalin lahaa ka guddoon ahaana iska cafiyaan xoogaagii is maandhaafka ahaa waana la isla qaatay.
  2. Guddiga maaliyadda oo ku xigeenadu aad ugu doodayeen inu ka aqbalo Gudoomiye Mursal ka noqoshada warqaddiisa asaguna ka diiday is jiidjiid dheer kadiba loo daayay Gudoomiye Mursal go’aankiisii.
  3. Mooshinka ayuu la sheegay in Gud. Mursal uu go’aansaday oo kaliya in uu kala xaajoon doono Madaxweynaha marka uu diyaar u noqdo in uu aqbalo in mooshin ka yaallo, kaddibna ay u gudbi doonaa wixii laga yeeli lahaa iyadoo la raacayo sharciga xeer hoosaadka iyo dastuurka dalka. Waa in aan ilaalinaa sharciga, mana jiro qof ka weyn ayuu yiri Gud. Mursal

Khilaafkaan soo kala dhex-galay Gudoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa oo meeshii ugu sareysay gaarey ayaa ka dhashay warbixin uu Guddi-hoosaadka Maaliyadda Aqalka Hoose soo saarey oo ku tagrifal maaliyadeed ku eedaysay xukuumada.

Guddiga oo ku kala qaybsamay qormadooda ayaa keentay inuu kala dirro Gudoomiye ku xigeenka koowad, Muudey, taasi oo uu si cad uga soo horjeestay Mursal, oo faray Guddiga inay shaqadooda sii wataan.

Mooshinka ayaa sii kala fogeeyay gudoonka Wakiiladda shacabka – Mursal wuxuu sheegay inuu sharci yahay, oo uu isagu qabtay – halka Muudey iyo Cawad oo mid baal-marsan qanuunka ay tibaaxeen inuu buray.

Ma cadda hadii qodobadda ay ka heshiiyeen ay ku jirto qaabka ay uwajahayaan Mooshinka ka yaallo Madaxwaynaha.

Xaalad cakiran oo ka dhalatay Mooshinkaasi ayaa haatan umuuqata mid meesha ka baxaysay, inkasta oo wali aanan laga haynin Mursal inuu warbaahinta si rasmi ah ula wadaagay in la dhameeyay khilaafka kala dhaxeeyay ku xigeenadiisa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!