Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen MOL ayaa xaqiijinaya hoggaanka Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay aqbaleen inay yimaadaan Muqdisho, si loo sii amba qaado wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka.
Kulan u dhaxeeya seddaxda madaxweyne goboleed ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.
Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa hadda ku sugan Baydhaba, iyadoo maanta uu magaaladaas ku wajahanyahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Xogta ayaa sheegeysa in madaxweynayaashu shirka Baydhaba kadib ay soo gaari doonaan Muqdisho, gelinka dambe ee maanta ama maalinta xigta ee berrito oo Khamiis ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 10-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Xogta ayaa intaas ku dareysa in sababta ay Villa Somalia u shaacisay xilliga uu furmayo shirkaas ay ka dambeysay aqbalaada casuumada shirka ee madaxda dowlad goboleedyada ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Kulanka Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare ee Baydhaba ayaa xoogiisu yahay waxa ay ka yeeli lahaayeen qodobadii shirka Dhuusamareeb-3, marka ay tagaan Muqdisho iyo sidii mowqifkooda u mideysnaan lahaa.
MW Farmaajo ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyadoo lagu amray in uu soo bixiyo dad ka badan 100.000 loona soo dhaweeyo Seddexda Madax ee Maamulada Hirshabeelle, Koogur Galbeed & Galmudug si ka heer sarreeysay sidii loo soo dhaweeyay Hoggaamiyaasha Puntland & Jubbaland.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa mudo hal todobaad ah ku sugan Muqdisho, iyagoo shir ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo shuruud uga dhigay inay ka soo qeyb galaan madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taas oo markii dambe uu aqbalay madaxweyne Farmaajo.