Saxafigii Jamal Kashoqgi oo Salaadii Janaasada looga tukaday Magaalooyin badan Dunida

Reading Time: < 1 minute

Magaalooyin badan oo dunida ku kala yaalla ayaa maanta laga tukaday salaadii janaasada saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoqgi ee lag dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 2-dii Oktoobar.

Wiilasha uu dhalay saxafiga iyo haweeneyda uu doonayey inuu guursado ayaa dadka ugu baaqay inay maanta salaadda Jimcaha kadib Salaad Janaaso u tukadaan saxafiga oo jirkiisa la jarjaray, isla markaana aan weli la helin meel uu ku danbeeyay kadib in ku dhow 50 maalmood markii la dilay, falkaasoo ay geysteen koox ka tirsan sirdoonka iyo mas’uuliyiin Sacuudiyaan ah.

Magaalooyinka Turkiga ayaa salaadaasi si weyn looga qeyb galay iyadoo sidoo kale dalal badan iyo magaalooyinka caalamka looga tukaday salaadii janaasada ee maqnaanshaha, waxaana sidoo kale looga tukaday magaalooyinka Medina Almunawara iyo Maka Almukarama.