SAWIRRO: Wararkii ugu danbeeyay Gaari Qarax siday oo ku soo wajahnaa Muqdisho oo ku Qarxay…

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax gaari oo maanta duhuradii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka dheer.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan

Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho, isaga oo rabay inuusan soo marin Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka xamar soo gala lagu baaro sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay gaariga oo la doonayay in la soo geliyo magaalada Muqdisho si shacabka loogu dhibaateeyo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!