(SAWIRO) Beyle oo soo bandhigay goob nadaafad daro ka muuqato laguna karantiilayo dadka qaba Caabuqa COVID-19

Reading Time: 2 minutes

Waxaa baryahaan DFS ku howlaneed ineey Soomaaliya uu ka jiro Caabuqa Coronavirus , si ay Caalamka ugu indhasarcaadiso waxaay si joogta ah Fiidiyoow iyo Sawiro muujinayo ineey latacaalayaan Caabuqa Coronavirus usoo bandhigayay,

Intii aysocotay Sawirada lagu marin habaabinaayo indhaha Caalamka iyo Soomaalida waxaa maanta igu sawir utagay Wasiirka Maaliyada XFS , goob loogu talagay dadka qaba caabuqa Coronavirus laguna karantiili  doono.

Indhaha waxaay qabanaayan markii aad fiiriso sawirada in ay tahay goobta meel nadaafad daro baahsan la jirto lagana yaabo in goobtaas laftigeeda laga qaado xanuuno horleh,

Wasiirka Maaliyada XFS oo warkooban kazoo saaray goobta ay diyaarisay DFS ayaa yiri

“Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka #coronavirus naguma keenee.

Goobaha aan booqanay waxaa ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospital ka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hada diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay.

Waxa aan Allah ka baryeeynaa in uu Cudurkaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ka badbaadiyo meel walba oo ay joogaan. ”

Soomaali waxaa lagudboon ineey indhaha furaan arkaan halista kusoo wajahan.