Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho.
Kulankaan oo ka dhacay goobta ay degan yihiin Madaxweynayaasha ayaa looga hadlay furitaanka Shirka golaha wadatashiga qaran.
Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Muqdisho.