(Daawo) Qaraxyo ruxay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadan xilli ay ka degayeen Wasiirada xukuumadda Yeman

Reading Time: 2 minutes

Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay magaalada Cadan ee Koonfurta Yeman oo fadhi u ah Dowladda dibad joogga ah ee dalkaasi oo madaxweynaheeda degan yahay dalka Sacuudiga

Qaraxyada ayaa ka dhacay Garoonka, isla markii ay diyaarad sida Wasiiro ka tirsan xukuumadda Yeman ay ka degtay garoonka, xilli ay ka degayaan wafdiga Wasiirada, waxaana qaraxa ugu weyn ka dhacay goobta dadka dhoofaya ka baxaan, iyadoo garoonka dhan ay qabsatay uuro iyo holac.

Wasiirada Yeman ayaa la sheegay inaan wax qasaare ah kasoo gaarin qaraxyada ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Cadan oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxyaabaha loo adeegsaday, sida baabuur qaraxyo siday ama madaafiic Hoobiyeyaal ah.

Qasaaraha Qaraxyadana ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay geysteen dhimasho iyo dhaawac, waxaana gudaha iyo bannaanka garoonka daadsan dad dhaawac ah iyo kuwa ku dhintay qaraxa; mana jirto cid sheegtay ilaa iminka.

انفجار في مطار عدن