Laba qarax oo is xig xigtay ayaa maqribnimadan caawa ah waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay MUQDISHO ONLINE u sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.
Qaraxyadan oo daqiiqada un kala horeeyay ayaa midka hore wuxuu ahaa bambo gacmeed lagu weeraray hotel la yiraahdo Bilan, halka midka kalena nin isku soo xiray jaakad qarax ku xiran yahay uu ku weeraray maqaaxida Beder.
Ilaa hadda khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin karo, goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa si deg deg ah ku gaaray gaadiidka gurmadka ee ambalaasta, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.
Wariyaha Risaala ee magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Afar ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay hotel Bilan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.
Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan u gurmashada dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadan, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha weeraradan.
Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan