(Sawiro) MW Farmaajo meesha uu degi doono marka uu xilka ka dhamaado oo la ogaaday

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
1 0 hours
0 6 minutes
0 6 seconds
Reading Time: < 1 minute

Marwada MW Farmaajo Saynab Macallin oo haatan ku sugan magaalada Kampala ayaa waxaa aay bilowday in aay magaalada Kampala ka raadiso guri kiro ah oo aay degaan reerkeeda.

Farmaajo ayaa wajahaya doorasho la hubo in aan dib loo soo dooran doonin waxaa la sheegay in isaga iyo reerkiisa aay qorsheysteen in aay degaan dalka Uganda, sida MOL aay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Kampala.

Waxaa Marwo Saynab la soo tusay ilaa saddex guri oo ku yaal magaalada Kampala waxaana xogta aay sheegeysaa in aay ku qanacday guri ku yaal xaafadda Kiwatulu oo ku taal duleedka magaalada Kampala, kaasoo ka kooban lix qol.

Halka uu degi doono Farmaajo marka uu xilka ka dhamaado. Waa guri ku yaal magaalada Kampala oo aay Marwadiisa kireysatay

Marwo Saynab ayaa ka mid ahayd wafdi uu horkacayay RW/X Mahdi Guuleed oo halkaa u tagay ka qeyb galka furitaanka Warshad sameysa sokorta oo aay furatay haweeney Soomaali ah.

 

Doorasho