(Sawiro) Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Wasaarado & Bangiga Dhexe ee Puntland

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xarunta Bankiga Dowladda iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha aya si diiran loogu soo dhaweeyay wasaaradaha & bangiga dhexe isagoo u kuurgalayay shaqooyinka & howl maalmeedka Wasaaradaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo qeybteeda dakhliga, Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Xarunta Hay’adda maareeynta macluumaadka Biyaha iyo Dhulka IMC iyo Wasaaraha kala ah Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Deegaanka.

Madaxweyneyaasha ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xafiisyada ay booqdeen, Iyadoo Madaxweyneyaashu ay boggaadinayeen sida shaqooyinka Dowliga ah iyo adeegyada Bulsho ay uga socdaan Puntland.