Sawiro laga qaaday ciidanka AMISOM oo xasuuqaya shacabka Muqdisho (Dhageyso)

Reading Time: < 1 minute

Cabdiwahaab Xaaji Axmed oo ahaa Turjumaan ayaa sawirro naxdin leh ka qaaday Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku leynaya gudaha magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo la shaqeynayay howlgalka Midowga Africa ayaa la socday kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho.

Cabdiwahaab oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadii uu la socday ee AMISOM xilligaasi ay gaari Bl ah kala soo dageen sagaal qof oo rayid ahaa, kadibna ay toogteen.

Sidoo kale sawirro uu ka qaaday dhacdadaas iyo warbixino uu ka diyaariyay ayuu sheegay inuu la wadaagay hay’adda dambi baaritsa CID-da ee Soomaaliya.

Intaasi kadib CID oo bilowday baaris ayaa AMISOM u gudbisay sawirradii, balse nasiib darro waxa ay arrintaasi dhibaato ka soo gaartay Cabdiwahaab oo markii dambe xabsiga la dhigay.

Waxa uu tilmaamay in loo yeeray isaga oo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, kadibna lagu wargaliyay in shaqadii laga joojiyay muddo lix bilood ahna xabsi yahay.

Sidoo kale waxa uu xusay in lagu wargaliyay inuu bixiyay sirta AMISOM ,lana shaqeeyay Kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo Soomaali Kenyaan ah ayaa sheegay in ciqaab xoogan uu kala kulmay xabsiyadii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho.

Xarigga Cabdiwahaab ayaa dhacay bishii August 2018,waxaana ugu dambeyn loo wareejiyay magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo Kenyaan ah.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga laga qaaday Sarkaalka