Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan looga arrinsanaayay weerarkii fashilmay ee xalay ay qorsheeyeen Farmaajo & Kheyre kaasoo ay damacsanaayeen in ay weeraraan hoyga Madaxweynayaashii hore.
Kaddib markii ay difaac adag iyo gurmad tiro badan ay soo gaareen labada guri ee Madaxweynayaashii hore ayaa ciidankii la soo diray dib ugarasho galeen, iyagoona markii danbe u bedelay qorshahooda in aay baarayaan xaafadaha degmada Wadajir ay ku sheegeen in aay ku dhuumanayaan kooxda Shabaab.
Shirkii maanta aya waxaa lagu lafaguray in si wadajir loo difaaco labada Madaxweyne isla markaana ciidan kale lagu soo biiriyo ilaalada labada guri ee Madaxweynayaashii hore Sharif Sh. Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Imaamka & Ugaaska beesha Muddulood iyo siyaasiyiinta ugu tunka weyn beesha Abgaal sida MOL ay noo sheegeen ilo wareedyo goob ka ahaa goobta uu ka dhacay shirka.
MW Farmaajo & RW Kheyre ayaa qorsheynaya in si dib loogu dhigo doorashada una helaan muddo kororsi ay damacsan yihiin in magaalada Muqdisho uu ka dhaco dagaal si ay dowladda eedda dusha uga saarto xisbiyada iyo hoggaanka mucaaradka ah.
Ugu danbeyn waxaa la go’aansaday in shirweyne beesha ah si degdeg ah la isugu yimaado waxaana la qorsheynayaa in uu shirka dhaco 26 Bishan Maarso, kaasoo gogol xaar u noqonaayo shirweyne beesha Hawiye oo Muqdisho ka dhici doona horraanta bisha April 2020.
Beesha caalamka ayaa waxaa ya kala kulmayaan Farmaajo iyo Kheyre in ay keenaan jadwalka iyo hannaanka doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkan iyadoo lagu wado in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 7 Febraayo 2021.