(Sawiro) Karaash oo caawa Gaalkacyo kulamo la xiriira amniga kula yeeshay saarkiisha ciidanka

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kaddib socdaal uu aroornimadii saaka uga amba-baxay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Axmed Karaash oo ay galbinayaan gaadiid kooban oo ka mid ah ilaalada Madaxtooyada Puntland, ayaa u tagay Gaalkacyo la kulan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdi Siciid Muuse Cali, iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Mudug.

MW Karaash ayaa Caawa waxa uu kulan la qaatay guddiga Amniga gobolka Mudug.
Kulanka ayaana looga hadalnay xoojinta Amniga guud ee gobolka iyo in Ciidamadu xiriir dhow la yeeshaan bulshada.

Socdaalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee Gaalkacyo, ayaa imaanaya xilli lagu wado in uu maalmaha Arbacada ama khamiista uu ka dego Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni.

Safarka Axmad Karaash ayaa ahaa mid dhoolatus ah fariina loogu diraayay Saciid Deno oo horay qoraal u soo saaray kaas oo awooda kaga xayuubiyay Axmad Karaash