Wararka nagasoo gaaraya Agagaarka Isgooyska Tarabuunka ee Degmada hodon ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Halkaasi lasoo dhigay gaari laga shakiyay kaasi oo dhowr maalin yaala inta u dhaxeeysa labadda Isgooys
Dadka deegaan ayaa waxaa ay inoo xaqiijiyeen in ay la xariireen laamaha amnigga islamarkaana ay ku wargaliyeen in lasoo dhigay Gaari ay ka shakiyeen Goob ganacsi horteed hase’yeeshee saraakiisha Amnigga Degmada Hodon ayaana goobta soo gaarin
Gaarigga oo looga shakiyay in ay saaran yihiin Waxyaabah Qarxa ayaa dhowr maalin yalla Halkaasi waxeeyna ugu dambeeyn Saraakiisha Nabad sugida Ee Degmada Hodon u sheegeen dadkii lasoo xariiray in aysan soo wici karin mar kale
Dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Gaari Mudo Todobaad ah uu yaalo halkaasi islamarkaana ayna jirin cid sheegato waloow gaariggu yahay mid duug ah
Madaxda Ugu Sareeysa dalka ayaa goorta ay la hadlayaan Shacabka waxaa ay ka codsadaan in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga Hase’yeeshee Saraakiisha Ciidamada ayaana Shacabka la shaqeeyn Marka ay la Xariiraan