Ciidamo farabadan oo ka amar qaata Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu arkay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamada oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka iyo Hubka cul culus kana kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu tago Beledweyne ayaa lagu arkayaa laga soo bilaabi Xaafada Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle oo ku sugnaa Xaafadaha Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiishta ay isaga baxeen, kuwaas oo ilaa xalay halkaasi ku signaa, waxaana Magaalada Beledweyne saacadihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Ciidan.
Dhaq dhaqaaqyada Ciidan iyo xiisadda dagaal ee ka taagan Magaalada Beledweyne ayaa ka dambeeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku wajahan yahay Magaalada Beledweyne.