Wararkii Ugu Dambeeyey ee Ciidanka Puntland ee Aagga Tukaraq iyo Xaaladda Saakay.

Reading Time: < 1 minute

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisad dagaal ayaa waxa ay weli ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo saddex bilood oo 6 habeen dhiman ay gacanta kuhayaan ciidanka maamulka Soomaaliland, xilli ay gaabiga kuhayaan ciidanka Puntland.

Wararka aanu ka helayno deegaamada Gambara, Tukaraq iyo Godqaboobe ayaa sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay waddaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo ku sugan deegaamadaasi iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka dhaca deegaanka.

Qaar kamid ah isimada ugu caansan deegaamada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa dhowaan gaarey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!