Sarkaalkii Al-shabaab u Qaabilsanaa Aruurinta Lacagaha Gobolka Hiiraan oo La Dilay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Hees oo ka tirsan Gobolkaas.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha Zakawaadka.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jirey Cali Axmed Guure, islamarkaana deegaanka uu ka dhacay Howlgalka lagu dilay uu u dhaxeeyo magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaliya Iyo Kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Hees oo qiyaastii 35-km u jira  magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegashada Dowladda Soomaliya.