Sarkaal xalay lagu dilay duleedka Magaalada Muqadishu

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaan warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo habeenkii xalay ahaa ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.   Sarkaal la dilate ayaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dad gobjoogayaal ah dilkaas ayaa waxaa   geystay koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,waxaana falkaas uu dhacay xili uu ku sugnaa Isgoyska Ex-Control Afgooye,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada falkii dilka ahaa ee loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya,kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.