Sarkaal kaalinta Ugu sarreysa ka galay Tababar loo soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Cirka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka dalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalaka Qatar iyo Soomaaliya tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.

Dawlada Somaaliya ayaa la filayaa in dhawaan dib u dhis iyo qalabeyn ay ku sameyso Ciidanka Cirka  .