Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka NISA oo lagu dhex dilay Jaamacadda Soomaaliya, kadib markii Magaceeda iyo Sawirkeeda ay Shabaab heshay.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dhex fadhisa jaamacadda Allaha u naxariistee Aamin Xuseen oo ka mid ahayd saraakiisha sirdoonka ee NISA oo maalmo ka hor lagu wareejiyay ciidanka canshuuraha gobolka Banaadir. Aamina lama ogeyn in ay tahay sarkaal sirdoon, waxaana kooxda nabadiidka ay ku ogaadeen kaddib markii T/X NISA Fahad Yaasiin uu shaaciyay in ka badan 200 oo sarkaal oo ka mid aha sirdoonka qaranka, kuwaaso ku shaqeyn jiray qaab qarsoon. Fahad Yasin iyo Agaasimaha NISA, Madaxweynaha iyo R/Wasaare Kheyre waxaa ku tashadeen in la layaan dhallinyarada wax ka og Shabaabka Iyo sida ay u hawlgalaan.

Waa bilow waxaana muuaqata in ay tahay arrin dhalin doonta cawaaqib xun iyadoo maalmaha so socdaa la ugaarsan doono shakhsiyaad badan oo ka shaqeyn jiray ammaanka dalka, gaar ahaan NISA oo qarsoonaa balsa si u talagal ah bannaanka loo soo dhigay maagacyadooda.

Waxaa hadda suuqa waregeysa liis u qarsoonaa NISA oo si cad ay uga muuqdaan shakhsiyaad la rabay in gacanta lagu dhigo. Shaqaalihii NISA ayaa hadda bilaabay inay dalka isaga qaxaan, waxaana xigi doona, xildhibaanadda haddii aysan tallabo degdeg ah qaadin oo aan madaxda Sare lagula xisaabtamin khaladkaan khatarta ah .Shabaab ayaa gacanta loo geliyey sawiradooda iyo Maagacayadooda dhamaan ciidankii NISA.

Sida ay xog ku heshay MOL in saaka ay rag ku hubeysnaa bustoolado ay gudaha galeen Gudaha Xarunta Jaamacadda Soomaaliya ay ku leedahay Baar Ubax, isla markaana ay fasalka dhex diisa ku dileen gabadhaas qarankeeda u shaqeyneysay Aamina Xuseen Xasan Ilahay ha u naxariisto.

Waa sarkaalkii ugu horreeyay oo ay si bareer ah oo arxan darro ah u beegsadaan kooxda Shabaab oo haatan gebi ahaanba la wareegay hay’adii Sirdoonka, bilaabayna aargoosi ay ku ugaarsanayaan saraakiishii dhar cadka ahayd ee ka tirsanaa NISA.

Sababaha loo wareejiyay ayaa waxaa ay tahay in la shaaciyo magacyadooda iyo sawiradooda si aay u beegsadaan kooxda Shabaab.